Waakee Wasiirka ka hor yimid ka saarida Liiska argagixisada Ururka ONLF?

Golaha Wasiirrada XFS oo maanta kulan yeeshay,ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017.

Go’aankaas,ayaa ahaa kii Ururka ONLF u aqoonsaday Urur argagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax ee loo gacan geliyay Ethiopia,

Tallaabadaas,ayaa Golaha Wasiirada Fadaraalku si aqlabiyad leh ugu codeeyeen in ay ahayd khalad.

Beyle,ayaa ah Wasiirka kaliya ee diiday in ay khalad ahayd go’aankii lagu dhiibay Qalbidhagax,isla markaana ONLF loogu daray Ururada argagixisada ah.

“Roobloow waxaad wado waa ka badbadis ee jooji”Ayuu ka yiri Beyle fadhigii Golaha.

Jibril Qoobey.