Yaa lasoo baxay Xildhibaanada Maanta lagu doortay Garowe?

5-ta kursi ee lagu doortay Garowe Maanta,waxaa lasoo baxay Deni.

Labada ku jiray shakiga waxay xog ogaal hoose ii xaqiijiyeen in Deni ay damiin buuxda uga noqdeen Rag Miisaan culus ku leh agtiisa.

Labada Xildhibaan ee laga shaki qabay,ayaa kala ah..

1.Cali Gaab,waxaana damiin u ah Islaan Ciise,Xasan Shire iyo Maxamuud Shido

2 .Wasiir Bidhaan,waxaa damiin u ah Madaxweyne xigeenka Puntland Axmed Karaash.

Doorashada Maanta,waxay u ahayd tijaabo Deni iyo garabkiisa,waxayna umuuqataa mid maqsuud ka dhigtay oo uqabsoontay siday qorshaysteen.

Sidoo kale waxay tijaabo ku ahayd dareenka iyo falcelinta Shacabka.

Jibril Qoobey