Goob Doorashooyinka oo wax laga badali doono Todobaad kadib

Gacanta hore ee Doorashooyinka guud ahaan Magaalooyinka markay soo gabagabowdo,waxaa kulmi doona Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

Kulankaas,waxay kusoo koobi doonaan goob doorashooyinka,iyadoo ay ka dhigi doonaan hal Magaalo meeshana laga saari doono Magaalada labaad.

Madaxda Wadatashiga Qaran,ayaa toos ukulmi doona ama Aalada Zoom-ka isku arki doona,sida wararku sheegayaan.

Jibril Qoobey.