Turkigu oo samaystay hanaan difaaca Casriga ah

Military Update ayaa qoray in Turkigu samaystay hanaan difaac oo Casri ah kaasoo Layaab ku noqday Qaar kamid ah wadamada Reer Galbeedka & Israel, hannaankan difaac ayay turkigu uga maarmi karaan noocyada waqtigan dunida ugu casrisan sida S-400 iyo Patriot.

Turkiga ayaa Gabo-gabo marsiinaya gantaalaha dhul-ka-iyo cirka ah ee HISAR iyo SIPER,waxayna tijaabiyeen noocyada HISAR A+ & HISAR 0+ oo ay iska kaashadeen Shirkadaha ASELSAN & ROKETSAN, isagoo ku bartilmaameedsanaya walxo ku socda xawaare aad u sarreeya islamarkaana joog sare ku duulaya sida uu qoray Wargeyska turkiga kasoo baxa ee Daily Sabah.

Turkiga ayaa dhamaystiraya inta lagu jiro Sanadkan 2022 ,markaas kaddib turkigu wuxuu yeelan doonaa awood cireed cusub oo uu hawadiisa kaga difaaci karo wax kasta oo soo gala marka ay soo jiraan meel ka fog 25 km, gaar ahaan gantaalka HISAR-0.

Turkiga ayaa sidoo kale ku hawlan inuu samaysto hannaan difaac cireed oo iska difaaci kara gantaalaha baalistigga ah oo ay adag tahay in la qabto maadaama aanuu suurtagelin waqti ku filan oo uu ku arko raadaarku, sida uu sheegay Anil Sahin oo ah cilmi baare ka tirsan Wershadaha Hubka ee Turkiga.

Israel ayaa wadamada reer Galbeedka ee ay iska kaashadaan arimaha Difaaca waxay ugu baaqday inay Kulamo degdeg ah ka yeeshaan Hanaanka difaac ee turkigu dhowaan daahfurayo,iyagoo isku afgartay inay dib u casriyayn ku sameeyaan Nidaamyadooda difaac sida uu Qoray Defenseworld oo faalooda arimaha difaaca iyo Hawada sare.

WQ.Abdirak Jubba.