Faroole oo hor istaagay dhismaha Golaha Deegaanka Eyl

Si cad,ayuu u hor istaagay Faroole in la dhiso Golihii Deegaanka Degmada Eyl ee loo balansanaa.

Faroole,waxuu la xiriiray Wasiir Dhabancad oo usheegay in aan la dhisi karin Golahaas hadaan sida uu rabo la yeelayn oo ah in Gudoomiyaha la siiyo Ururkiisa Horseed.

“Eyl uguma xukumayaan Cismaan Maxamuud”,Waa erayga Faroole laga hayo.

Hadaan Cismaan Maxamuud Dimuqraadiyad kusoo baxay xukumayn Eyl,sidee Xasan Shire oo Eyl ka yimid Canshuurta Dekeda Bosaso umaamulayaa??

Waa dhimashadii ugu danbaysay ee Dimuqraadiyadii dhaqaaqday ee Puntland.

Aaran-shaydaan,ayaa adeegsanaya Faroole oo raba in ay soo afjaraan nidaamka Dimuqraadiyada.