Khilaafkii Cabdixaashi iyo Mahdi oo la dhameeyay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mahdi ku kulan siiyay Xaafiiskiisa.

Rooble,ayaa dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay, iyadoo la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland.

Todobaad ka hor ayay ahayd markii garabka Cabdixaashi ay shaaciyeen in ay iskaga baxeen Doorashada,si weyna u eedeeyeen Ra’isalwasaare Rooble.