Suuqii Bakaaraha uxiran Daacish iyo Dowlada oo Ciidamo udaabulaysa Beledweyne!!

Wararka laga helayo suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah Suuqa la xiray ka dib markii kooxda Daacish ay lacago dheeraada ku soo rogtay ganacsatada.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa BBC-da u sheegay, in qaybaha xiran saaka ay ugu muhiim sanyihiin qayabaha lagu iibiyo qalabka dhismaha.

Ganacsatada ayaa sheegay in kooxda Daacish ay waydiisatay, boqolkiiba sodon inuu ka bixiyo qofka ganacsadaha ah hantida uu ku shaqeeyo.

Ganacsatada ayaa horey u bixin jiray lacago ay ku soo rogeen kooxda kale ee Al-Shabaab. Dawladda ayaa sidoo kale canshuur ka qaada Ganacsatada.