Xaalad adag oo ka taagan Suuqa Bakaaraha Muqdisho

Qaybo badan oo ganacsiga Suuqa Bakaaraha,ayaa maanta xiran.

Ganacsatada waxay xamiili waayeen canshuur Sadex geesood ah oo ay saareen ay Daacish, Al-Shabaab iyo Dowladda Fadaraalka.

Shacabkii waa la dayacay, argagexiso ayaana baylah looga dhigay, halka ciidanka dowladda Beledweyne loo daad guraynayo si kuraas Xildhibaanno loogu soo boobo.

Tani waxay caddeyn buuxda u tahay in Ciidanka loo adeegsanayo dano siyaasadeed oo shakhsiyaad loo adeegayo, taliyayaashii ciidankana ay raalli ka yihiin fulinta danahaas.

Ciidanka aan danta shacabka iyo tan qaranka u adeegaynin, canshuurta shacabkana lagu biilayo waa culays aysan cidina xamilli karin.

C.C.Warsame