Maxaan ka ognahay Xildhibaanada Garowe lagu doortay ?

Wasiirka Qorshaynta Puntland Xaange,waxuu ka mid yahay Xildhibaanada Garowe lagu doortay Maanta,waxuuna matalayay Beesha reer Bicid yahan.

Ergada dooratay Xaange kuma jiro Hal Qof oo reer Bicidyahan ah.

Waa Ciise Maxamuud,Dhulbahante iyo Leelkase ergada 101-da ah ee lagu sheegay reer Bicid yahanka.

Xaange markii horena waxaa Hay’ada Save gaystay Maxamuud Shido,markii xigtayna Wasiir,ayuu ka dhigtay,haatana Xildhibaan.

Ma matalo,umana joogo mana yaqaan reer Bicid yahan Xaange.

Reer Bicidyahan waxay ka mid yihiin Beelaha sida cad loogu tuntay oo ergadooda lasoo xushay.

Fardowso waxay ka mid tahay Xildhibaanada Maanta lagu doortay 54-aad Garowe,waxayna ku matalaysay mid ka mid ah 5-ta Kursi ee Beesha Tanade Daarood.

Uma layn mahayo in ay Deni ucodaynayso,iyadoo Xildhibaan Fadaraal ah Fardowso.

Sababtoo ah khaati ayay taagnayd intii ay joogtay Garowe oo mar walba waa cabanaysay.

Ma qarsoonayn niyad jabka ka haystay shaqada Dowlada iyo in ay taagnayd alow ur ii bixi.

Xirsi Gaani,waxuu ka mid yahay Xildhibaanada Garowe lagu doortay ee Beesha Awrtable.

Xirsi waa Wasiir-dowlihii Maaliyada Jubaland,waana raga lagu tilmaamo in ay aad ugu dhow yihiin Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waa shaqsi miisaan leh oo Qofnimadiisu macno leedahay,waxaana laysku raacay in uu yahay Xildhibaanka kaliya ee Deni isku halayn karo.

Maxamed Xayle waa mid ka mid ah Xildhibaanada Maanta Garowe lagu doortay,isagoo ku matalayay Beesha Carab Saalax.

Waxaa reer Abti u ah Jifida Madaxweyne Deni ee Bah dhulbahante.

Xildhibaanka,waxuu ku helay in Deni uu u geeyay Ninka dhaqaalaha u maamula ee Dahir Kilwe.

Balse waa nin Aaran-shaydaan neceb oo aan maqli karin ayna ubadan tahay in uu ka danaysto.

Deni dad badan oo hada uu lasoo baxay waa ka tagayaan oo Xeyle ugu horeeyo.