Australia oo diyaar u ah in ay buuxiso booska Ruushka Ee Ganacsiga Gaaska

Dawladda Australia ayaa dalalka reer Yurub u soo jeedisay inay siiso gaaska dabiiciga ah ee dareeraha loo beddelay, haddii Ruushku uu go’aansado inuu jaro gaaskiisa, xiisada Ukraine darteed.

Xilli ay sii kordheyso xiisadda la xiriirta dalka Ukraine ee u dhaxaysa Ruushka iyo reer galbeedka ayaa waxa sii kordhaya cabsida laga qabo in Moscow ay yareyso ama ay joojiso gaaska ay siiso Yurub.

Dalalka Midowga Yurub ayaa haddaba uu gaasku ku yar yahay, ka dib markii la dabciyey xayiraadihii xanuunka COVID-19, arrintaas oo dalab badan oo gaaska ah abuurtay. M. Yurub ayaa saddex meeloodow hal meel Ruushka ka hela gaaska uu u baahan yahay, waxana uu u baahnaan karaa ilo kale, xilli ay cabsida ah in Ruushku uu Ukraine ku duullo ay aad u sii kordhayso.

Australia waa mid ka mid ah dalalka ugu waxsoosaarka badan dunida ee gaaska dabiiciga ah ee dareeraha loo beddelay, kaas oo loo soo gaabiyo LNG, waxayna diyaar u tahay inay kor u qaaddo u dhoofinta gaaskan ee dalaka Yurub.

Wasiirka Ganacsiga ee dalkaas Dan Tehan ayaa haddal uu Khamiistii shalay soo saaray ku yiri “Australia waxay diyaar u ahayd in saaxiibadeenna iyo xulufadeenna aan ka taageeerno caqabadaha iyo jawiga adag oo dhinaca geo-istaraatijiyadda.