Faransiiska oo laga marooqsaday Burkinafaso

Dadka reer Burkina Faso, kuwooda taageersan af-gambigii dhacay toddobaadkan ayaa la arkayey iyaga oo dabbaaldegaya, isla markaana lulaya calanka dalka Ruushka.

Dadkaas,ayaa ku baaqayey in Burkina Faso ay ka wareegto Faransiiska oo ay xulufo ka dhigato Ruushka.

Iyada oo aan la garanayey inta uu le’egka heerka dareenka dadka Ruushka ka soo horjeedaa, haddana shaki kuma jiro in dad badan oo dalkaas u dhashay ay ka soo taagan yihiin dadaalka Faransiiska ee lagula dagaalamayo kooxaha qowlaysatada ah iyo ururka mitidka ah.

Iyaga oo baabuur ku maraya waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou Talaadadii ayaa labo ka tirsan dibadbaxyaashu ay lulayeen calanka Ruushka, iyaga oo u dabbaal-degaya af-gambigii dalkooda ka dhacay maalin ka hor.

Sidoo kale, waxay dhismihii dawladda ee Place de la Nation u beddeleen goob ay ugu dabbaal-degaan af-gambigii militari.

Mid ka mid ah dadkii dibad-baxayey ayaa wariye ka tirsa VOA ku yiri “Ma doonayno Faransiiska intaas ka badan. Halkan waxaan u joognaa, waxaan doonaynaa difaaca Ruushka. Faransiiku waxba ma qaban, si aan guul u helno.”

Faraniiska ayaa taageero militari siin jiray Burkia Faso, muddadii lixda sano ahayd ee ay dagaalka ku jiray kooxaha mitidka ah ee xiriirka la leh ururka al-Qaacida.

Horraantii bishan ayaa hogaamiyaha dalka dariska ah ee Mali, Colonel Assimi Goita uu dalkiisa ku soo dhaweeyey calooshood u-shaqeysatayaal Ruushka oo ay maamusho shirkadda gaarka loo leeyahay ee Wagner, taas oo xiriir la leh aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo.