GORANYO HAAD NOQON WAYDAY CARMANA GEED NOQON WAYDAY

EYL, DANGOROYO IYO GODOBJIRAAN.

Waxaan rabaa inaan halkaan kusoo gudbiyo xog kooban oo kusaabsan sedex kamid ah shanta degmo ee Gobolka Nugaal.

1.EYL waa magaalo xeebeed qadiimi ah waxay kamid tahay sedex degmo oo doorashadii qof iyo codka ahayd kadhacday 25-Oct-2021. sedex bilood kadib Golihii lasoodoortay wali ma fariisin, balantii 27-Jan-2022 ee ay Wasaarada Arimaha Guduhu qabatayna ma hirgalin.

2.DANGOROYO waa mid kamid ah degmooyinkii ay ka horeeyey 1991 waxay kutaal bartamaha dhulka Puntland meel istiraatiiji ah, Golihii deegaankeedu wuxuu dhacay 21-September-2021 ilaa hada cid Digreeto looguma magacaabin Gole deegaan oo cusubna lagama soodhisin.
Waxaa sharcidaro kumaamula Gudoomiye waqtigu ka dhamaaday awalna dadkiyo deegaanka laharay oo dib dhac weyn u horseeday.

3.GODOBJIRAAN waxay kamid tahay degmoyinka Dowlada Puntlanad magacowday, markii golihii deegaanka ee kajiray waqtigiisu dhamaaday waxay Wasaarada A. Guduhu isku dayday inay Gole cusub kadhisto laakiin khilaaf kayimi bulshada meesha degan Wasaaradu waaku guuldaraysatay inay Gole dhisto kadibna Digreeto Madaxweyne baa lagu soo magacaabay Gudoomiye cusub.

Gudoomiyihii cusbaa waxaa diiday oo ka horyimi qayb kamid ah dadkii deegaanka oo uu kujiro Duqii hore kadib maalin baa magaalada rasaas laysu adeegsaday inkastoo Ilaah mahadiis aan khasaare kadhalan intaas kadib magaaladu waxay leedahay labo maamul Gudoomiyihii hore oo dhinac haysta iyo Gudoomiyihii dame oo dhinaca kale haysta, Xafiisyadii Dowladuna waa xiran yihiin Mashariicda ay wadaan Hay’adaha caalamiga ahna dhib weyn bay lakulmaan.

GORANYO HAAD NOQON WAYDAY
CARMO GEED NOQON WAYDAY

Wasarada Arimaha Guduha Dowlada Puntland waa gabtay inay wax kaqabato sharcidarada kajirta sedexdaas degmo ee aan xusay, waxaa kaloo jira degmooyin kale oo Puntland ah oo iyagana sidaas oo kale loocabanayo.

BAAQ.
1.Waxgaradka Gobolka Nugaal Rag iyo Dumarba waxaan ugu baaqayaa in deegaanka hoos loo eego oo aan Dowlada kaligeed lagu halayn.

2.Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Puntland Mohamed Dhabancad waxaan leeyahay mudane Wasiir shaqadii dadka reer Puntland aad uhaysay dayac farabadan baa kamuuqda, taariikh baana qormaysa ee hadaad dalka rajo kaleedahay inta goori goortahay isdaba qabo oo dhibaatada Wasaaradaada kajirta sixid kubilow.

MAXAMED ABDIKADIR.