Maraykanka oo ka walaacsan in la helay xogta sirta ah Ee ay ku shaqeeyaan diyaaradihiisa Black Hawk

Mareykanka ayaa ka walaacay in laga helo xog muhiim ah oo ku saabsan mid ka mid ah diyaaradihii loo adeegsaday weerarkii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee ururka al-Qaacida.

Dowladda Pakistan ayaa laga yaabaa inay militariga Shiinaha u fasaxday howlgal ay ku basaasayeen diyaaraddii ay ciidamada Mareykanka ku tageen goobta uu dagganaa Cusaama Bin Laadin ee halkaas ku burburtay, sida ay wararka qaar sheegeen.

Saraakiil Mareykan ah ayaa laga soo xigtay iyagoo sheegaya in ay jiraan caddeymo muujinaya in Pakistan ay goobtaas geysay injineerro ka socday Shiinaha, dhowr maalmood kaddib markii uu weerarka dhacay.

Diyaaradda oo ahayd nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaanno Black Hawk ayay militeriga Mareykanka qarxiyeen kaddib markii ay ku burburtay guriga Cusaama, balse xogta ku saabsan wicii dhacay ayaa aad u yareyd.

Howlgalkii lagu khaarijiyay Bin Laadin oo dhacay 2-dii bishii May ee sanadkii 2011-kii ayaa xiisad ka dhex abuuray xiriirka Mareykanka iyo Pakistan.

Labada waddan – oo xulafo ku ah dagaalka ka dhanka ah Taliban iyo al-Qaacida ee ka socda gobolkaas – ayaa wixii xilligaas ka dambeeyay waxa ay arrintoodu isu baddashay far-far-ku-taag, inkastoo ay ku dadaalayeen in uusan xiriirkooda burburin gebi ahaanba.

“Dowladda Mareykanku waxa ay hadda heysaa xog buuxda oo ku saabsan in Pakistan, gaar ahaan waaxdeeda sirdoonka ee ISI ay u fasaxeen militeriga Shiinaha inay tagaan meesha ay diyaaradda ku burburtay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan sirdoonka Mareykanka oo uu soo xigtay Wargeyska Financial Times.

Waxa uu sarkaalkaas sheegay in injineerro u dhashay Shiinaha ay indho indheyn ku sameeyeen qalabka haraadiga diyaaradda, ayna ka qaadeen qaybo tijaabo ah, gaar ahaan qalabka u u adeegsatay inay ka dhuumato raadaarka Pakistan marka ay gudaha dalkaas u gudbeysay, sida uu wargeysku ku xusay qormadiisa.

Financial Times iyo wargeyska kale ee lagu magacaabo New York Times waxay labaduba soo xigteen saraakiil Mareykan ah oo sheegaya inay hubaan arrintaas, uuna xaqiiqo yahay kormeerka ay khubarada Shiinaha ku tageen goobtaas, inkastoo NYT uu xusay in saraakiishaas aysan soo bandhigin caddeymo la taaban karo.

Mid ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in Mareykanku uu arrintan ka ogaaday wadahadallo la basaasay oo saraakiil reer Pakistan ah ay la yeesheen kuwa Shiinaha, iyagoo ka sheekeysanayay sida ay ku tagi lahaayeen goobta ay diyaaraddu ku burburtay.

Pakistan iyo Shiinaha labaduba way beeniyeen wararka soo baxay xilligaas.

Washington ayaa ka walaacsan in sidaas lagu helay xogta sirta ah ee ku saabsan sida ay u shaqeeyaan diyaaradaheeda Black Hawk, oo horay u ahaa kuwo khaas u ah Mareykanka oo keliya.

Islamarkii uu dhacay weerarkii lagu qaaday aagga Abbottabad ee uu ku yaallay guriga Cusaama Bin Laadin, saraakiisha Mareykanku waxa ay Pakistan ka dalbadeen in aysan cidna u fasixin meesha ay yaallaan haraadiga burburka diyaaradda helicopter-ka ah.

Waxaa Markii dmabe diyaaraddaas haraadigeeda lagu celiyay Mareykanka, kaddib markii uu Pakistan safar ku tagay senator-ka Mareykanka ah ee lagu magacaabo John Kerry.