Muqdisho:-Mid ka mid ah Saraakiisha Booliska oo qarax lala Eegtay

Taliyaha Booliiska ee Saldhiga Degmada Kaaraan, Salaad Carraale, ayaa maanta ka badbaaday qarax lala eegtay gaari uu watay.

Inta la ogyahay saddex askari oo ka tirsan Booliska,ayaa dhaawac ka soo gaaray qaraxa.

Dhanka kale, hay’adaha amniga ayaa maanta tagay suuqa Bakaaraha iyaga oo faray in gooobaha ganacsiga dib loo furo kuwaasi oo xirnaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay sababo ay ku sheegeen mid la xiriirta amniga iyo lacago ay ka qaaddo kooxda Daacish.