Muxuu ku salaysan yahay dagaalka Ruushka iyo Ukrain?

Haddii Ukraine NATO ay ku biirto micnaheedu waxay tahay in gantaalaha NATO ay caasimadda Ruushka u jiri karaan wax ka yar kun Km.

Moosko iyo Kiev masaafada u dhaxeysa waxay gaareysaa 874.7 KM , ama way ka yaraan kartaa.

Dalka Maraykanka ee hadda gadaal ka riixaya qorshahaan hadda ka hor waxa uu dhanka badda ka go’doomiyay dalka Kuba oo uu diiday inay galaan wax Maraakiib oo uusan Maraykanku baarin.

Taas waxay keentay in dunidu ku sigato dagaalkii Nukliyeer kaddib markii Ruushku ku adkeystay in uu Gantaallo geynayo Kuba.

Dhacdadaas oo loo yaqaan “Cuban Missile Crisis” waxay ahayd sannadkii 1962 , waxaana xilligaas Madaxweynihii Maraykanka oo John F Kennedy ahaa uu khatar ka arkay in dal aad ugu dhow gantaallo Ruushku keensado.

Dalka Ruushka oo xilliga ahaa Sovietkii,ayaa isku dayay in uu Gantaalaha keeno Kubba, laakiin markii Maraykanku libiqsan waayay oo labada dal qarka u fuuleen dagaal, waxaa iska laabtay maraakiibtii Ruushka sidaas ayayna xiisaddii oo qayb ka ahayd dagaalkii qaboobaa ay ku dantay.

Ruushka hadda wax kasta waa uu sameynayaa si uu u wiiqo Ukraine oo horay waxa uu uga jaray Kareemiya( Crimea) .

Wakhtigan,waxa uu Jamhado gooni u goosad ah ka sameeyay Gobolka Donbas oo dhaca Koonfur Bari Ukraine oo ay ku badan yihiin Dadka Afka Ruushka ku hadla.

Aamiin Guuleed.