Muxuu ku salaysan yahay socdaalka Deni Ee Kenya?

Madaxweyne Deni Maanta in uu si qarsoodi ah ugu baxay safar Kenya ah,ayaa la hadal hayaa.

Sidoo kalena,waxaa la hadal hayaa in uusan weli bixin oo beri uu baxayo.

Si kastooy noqotoba socdaalkan waa mid ay Kenya ku casuntay Madaxweyne Deni.

Hal arin,ayaa laga wada hadlayaa,taasoo ah in Deni aqbalo Musharax kasoo jeeda Beesha Hawiye oo Kenya ay gadaal ka riixayso.

Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa aqbalay,balse dalbaday in Deni lagu qanciyo.

Kenya,waxay cadaadis xoog badan ku haysaa PL iyo JL si ay u aqbalaan Musharaxa ay wadato.

Dhanka kale Madaxweyne Axmed Madoobe,waxuu ka war helay in Shuraakada Aaranjaan macaa Faroole aysan raali ka ahayn in Deni Madaxweyne Somaliya uu noqdo.

Taa badalkeedana ay rabaan in Kheyre la doorto ama qof kale oo si ay uga qaataan Ra’isulwasaare.

Fikradaas waxaa gadaya Cawad iyo Cali Xoosh oo hoosna uu kala socdo Shiddo.

Kooxdan,waxaa aaminay Madaxweyne Deni.

Jibril Qoobey.