RIYADII BOQOR MENELIK II MIYAA RUMOWDAY?

RIYADII BOQOR MENELIK II OO RUMOOYDAY

Waxey dowladda Ethiopia dib uhabeyn ku sameysey heshiis ay horay ula gashay Jamhadii SNM ee Gobolada Waqooyi Somaliya.

Heshiiskaas,waxaa wada saxiixday Mengistu Xayle Maryan iyo Axmed Silaanyo.

Waxuu dhigayey in Itoobiya ay la wareegto xeebaha Seylac ilaa Berbera oo dhererkoodu yahay 270-km.

Xeebahaas,ayaa heshiisku dhigayay in Itoobiya ay maalgashato kana dhisato Dekedo ganacsi iyo saldhigyo Ciidamadeeda Badda.

Haddaba waxaa labadii sano aynu soo dhaafnay Addis ababa ka socday shirar hosaad u socday madax dhaqameedyada Beelaha Ciise,Gadabuursi oo dhinac ah iyo Dowladda Itoobiya.

Beelahaas,ayaa cabasho ka muujiyey xeebtaas dheer in aan Beesha Isaaq wada laheyn.

Seylac ilaa Lughayo in ay iyagu heshiis kula galeen Ingiriis waxeyna soo bandhigeen nuqulkii heshiiskaas taasoo ay ku qanacday Itoobiya.

Waxaa loo xilsaaray Wasiir Axmed Shide inuu arrinkaasi fuliyo,wuxuuna martiqaad u fidiyey Muuse Biixi,isagoo ku wargeliyay in Ethiopia ay dib u habeyn ku sameysay heshiiskii SNM iyo Itoobiya.

“Heshiiskii SNM iyo Itoobiya,wuxuu ku kooban yahay xeebaha Berbera ilaa Bulloxaar,deegaanada Seylac ilaa Lughayo waxey Itoobiya u aqoonsatay deegaan ay leeyihiin Beelaha Gadabuursi iyo Ciise”Ayaa lagu yiri Muuse.

Muuse Biixi,ayaa ku dooday deegaanadaas xorreyntooda in ay naf iyo maal u hureen qolyahan Gadabuursi iyo Ciise xaggeey jireen xilligaas ?

Wasiir Axmed Shide,ayaa ku yiri Muusow kolkey Gadabuursi iyo Ciise heshiiska la galayeen Ingiriis xaggeed idinku joogteen ?.

Doodaas kaddib Axmed Shide,ayaa Muuse Biixi u soo bandhigay heshiiskii Afarta Dekedood ee ay Muqdisho 16-kii June 2018 ku wada saxiixdeen Abiy Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Muuse Biixi,ayaa usheegay Wasiir Axmed Shide in uu arrinkan kala tashan doono Golaha guurtida Hargeysa.

Balse waxaa loogu jawaab celiyay Muuse Biixi…

“Baarlamaanka la aqoonsan yahay ee Muqdisho lama horgeyn heshiiska sidaas ayuuna ku dhaqan galay”

Ugu danbeyn Muuse Biixi,ayaa ka codsaday Wasiir Axmed Shide in uu arrinkan ku wargeliyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee mucaaradka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro arrinkaasna waa laga ogolaaday.

Haddaba su’aasha meesha taal baa waxey tahay Afarta Dekedood waa kuwee ?

1.Seylac Mengistu Xayle Maryam u saxiixay Axmed silaanyo SNM.

2.Berbera waxaa Mengistu Xayle Maryam u saxiixay Axmed silaanyo SNM.

3.-Hobyo waxaa Mengistu Xaile Maryam u saxiixay Maxamed faarax Caydiid USC.

4.Baraawe waxaa Meles Zenawi u saxiixay Xasan Maxamed Nuur Shaati Gaduud RRA.

Heshiisyadaas Jabahadaha iyo Itoobiya ay wada saxiixdeen waxaa qaab dowli ah u ansixiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qalinka ku duugay.

Warqaddii Boqor Menelik II uu u diray Berlin Conference (Nov.15,1884-Feb.26,1885) ee uu ku codsanayay in lagu soo wareejiyo Xeebaha Seylac,Bulloxaar iyo Berbera oo ay wehliyaan Hobyo iyo Baraawe,ayuu ku guuleystey Abiy Axmed in loogu saxiixo Muqdisho 16-kii June 2018.

Abiy Axmed,ayaa laga hayaa mar uu ka hadlayey waxqabadkiisa Barwaaqeysan in uu ku guuleytey in ganacsatada Itoobiya in ay u shaqa tagaan Muqdisho & Berbera,fasaxyada toddobaadka (weekend) ay reerahooda Addis ababa kula qataan iyagoo wata kalluun daray ah (fresh fish).

Haddaba waxaa rumoobay riyadii Boqor Menelik II (1884-2018 ) 134 sanadood kaddib oo talada Itoobiya ay uskaga danbeeyeen Boqor Haile Selassie,Mengistu Haile Mariam,Meles Zenawi oo mid waliba wax ku kordhiyay.

Ugu danbeyn waxaa dhammeystiray wiilkan Oromada ah ee Abiy Axmed oo bogga taariikhda Ethiopia baal dahab kaga qormi doona.

Xigasho:-Danjire Cali Maxamed.

Adis-ababa.