Manhajka Dugsiyada sare Ee Puntland oo la diyaariyay

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Taliinta Sare ee Dowlada Puntland ayaa kormeer ku tagay xafiiska Shirkada Madabacadaha midoobay ee Puntland Printing oo soo bandhigtay buugaagta Manhajka dugsiga Sare ee Puntland oo ah buugaag ay diyaariyeen Macalimiin laga soo xulay dugsiyada sare iyo Jaamacadaha Puntland.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada mudane Cabdullaahi Mohamed Xasan ayaa la kulmay qaar ka mid ah gudiga qorista buugaagta dugsiyada sare, Waxaa sidoo kale xarunta ku sugnaa qaar ka mid ah qubaradii diyaarisay Manhajka Waxbarashada iyo shaqaalaha shirkada madbacadaha midoobay ee Puntland oo ay ka mid yihiin maalgeliyaasha Manhajka.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Abdulaahi Mohamed Xasan, ayaa u mahadceliyay Khubaradii iyo dadkii waqtiga ku soo bixiyay in la helo Manhaj dugsi sare oo la jaan-qaadi kara dalka ayaa sheegay in guul weyn ay tahay in lasoo gaaro heerkaan Gabagabada qoraalka buugaagta Manhajka, isagoo sheegay in ay ka go’antahay tayeynta Waxbarashada Dalka.

Ugudanbayna wasiirka ayaa tilmaamay in markii la daah furo manhajkan si tijaabo ah loogubilaabi doono dhamaan dugsiyada sare ee Puntland islamarkaana lagu tijaabin doono Fasalada F1,F2, F3, F4. tijaabo ah loogu bilaabi doono.

Manhajka Dugsiyada sare ee Dowlada Puntland ayaa dhawaan la daah furayaaa waxaana maalgelisey shirkadda madbacadaha midoobey ee Puntland.