Maxkamada Gobolka Banaadir oo hor istaagtay Lacagtii Imaaraadka

Maxkamadda Gobolka Banaadir,ayaa amar ay maanta soo saartay ku sheegtay in aan labixin karin lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay Garoonka Aadan Cadde bishii April ee 2018-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa 7-dii Janaayo sheegay in lacagtaas dib loogu celin doono Imaaraadka Carabta, isaga oo Abu Dhabi ka raali geliyey dhacdadii lagu qabtay lacagta.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Maxamad Xasan ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in lacagtaas aan laga saari karin Bankiga Dhexe, isagoo ku sababeeyay inuu baaritaan ku socdo.

Warqaddan,ayaa ku soo beegmeysa Xilli Ra’isul Wasaaraha Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble uu u amba baxay dalka Imaaraadka Carabta, oo ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.