Rooble oo u anba baxay Imaaraadka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo ay uga billaabaty booqasho rasmi ah.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheega in Rooble uu kulamo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeelan doona madaxda sare ee dalka Imaaraadka.

Waa booqashadii ugu horreyasay ee Rooble uu ku tago Imaaraadka Carabta tan iyo markii xilka ra’iisul wasaaraha loo magacaabay, waxeyna imaneysaa kadib markii uu sheegay inuu ka shaqeynayo hagaajinta xiriirka labada dal.

Rooble ayaa 7-dii Janaayo waxa uu dowladda Imaaraadka Carabta ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya kula wareegtay lacag ka timid Imaaraadka oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.

Rooble ayaa dowladda Imaaraadka u ballan-qaaday in lacagtaasi oo wali ku jirta gacanta dowladda Soomaaliya dib loogu celin doono.

Lacagtaas oo ku dhaweyd 10 milyan oo dollar oo ay sidday diyaarad ka timid Imaaraadka Carabta, ayey safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ay ku sheegtay in loogu talagalay mushaharka ciidamadii Soomaaliya ee uu Imaaraatku tababarayey.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaas sheegtay in lacagtaas loo waday dhinacyada dowladda ka soo horjeeda.