Shirweynaha 1-aad cilmi baarista caafimaadka Qaranka oo Garowe ka furmay.

Garowe, Jan,30,2022:- Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 30 Janaayo 2022 ka furmay Magaalada Garowe Shirwaynaha koowaad ee Cilmibaarista Caafimaadka Guud ee Qaranka, Shirkan ayaa gundhig u ah Dejinta asaaska Cilmibaarista Caafimaadka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen Machadka Caafimaadka Qaranka Soomaaliya(NIH).


Shirka ayaa socon doona muddo 3 cisho, waxaana ka qeybgalaya Shirka marti katimd dhamaan qeybaha dalka iyo dibadiisa kuwaas oo ay hogaaminayso Wasiirka Caafimaadka ee XFS Dr Fawziya Abikar Nur. Wasaaradda Caafimaadka Dowllada Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa bogaadisay in Shirweynahu sanadkaan kadhaco Garoowe Puntland, Dr. Jamac Farah Hassa, Wasiirka Caafimaadka Dowllada Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa kalmad qiima leh ka jeediyay Shirweynaha isagoona soo dhaweeyay Shirweynaha.


Wasiir Dr. Fawziya Abikar Nur, Wasiirka Caafimaadka ee XFSayaa shirka ka jeedisay khudbad ku saabsan Muhimadda ay Cilmibaadihstu u leedahay horumarinta Caafimaadka dalka iyadoo codsatay in Jaamcaduu iyo Hay’aduhu diirada saaraan isla markaasna dhaqaalo gaar ah ugu talagalaan xoojinta Cilmi baadhista ku aadan caafimaadka.


Shirka ayaa fursad siinaya Cilmi baadhayaasha Soomaaliyeed ee wax ka qora Caafimaadka iyadoo muddadii lasoo dhaafay uu Machadka Caafimaadka Qaranka gutiga u xirtay sidii Shirkani u dhaci lahaa Sandka 2022. Shirka waxaa kasoo qeybgalay marti aad u badan oo kaosocota Jaamacadaha Dalka, Haydaha ka shaqeeya Cilmibaadihista, Madax kasocota Isbiltaalda Qaranka, Hay’addaha deeq bixiyayaasha Caalamiga ah ee taagera Caafimaadka Soomaaliya WHO, AFENET, Ururka Caafimaadka Aduunka. Wakaaladda Caafimaadka Guud ee Iswiidhan (Public Health Agency of Sweden), Joornaalka Arrimaha Caafimaadka ee (SHAJ).


Wasiir Dr. Fawziya Abiikar Nur ayaa ugu danbeyntii u mahadcelisay dhamaan kasoo qeybgalayaasha Shirweynaha iyadoo sii gaarana ugu Mahadcelisay Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO), AFENET, Wakaaladda Caafimaadka Guud ee Iswiidhan (Public Health Agency of Sweden), Joornaalka Arrimaha Caafimaadka ee (SHAJ).