Wasaarada Ganacsiga Puntland oo ka jawaabtay cabashadii Gaaska

Wasaarada Ganacsiga Warshadaha iyo Maalgashiga DPL iyada oo ka Jawaabaysa Cabashooyinkii kala duwan oo uga yimid Bulshada Puntland isla markaana salka ku hayey kor u kaca ku yimid lacagta Gaaska Cuntada lagu kariyo.

Waxay Wasaaradu intii ay Cabashooyinku soo gaareen raadin iyo dabagal ku samaysay in ay lacagtii Gaaska Cuntada lagu kariyo uu kacay iyo in kale baaritaan iyo dabagal dheer Waxay Wasaaradu Soo ogaatay in aysan jirin Wax kor u kaca oo Malmahan soo siyaaday , sidaas daraadeed Waxay Wasaaradu Cadaynaysaa in aysan jirin Wax Cusub oo Kororay.


Wasaaradu Waxay Diyaar u tahay in ay xal u raadiso Cabashooyinka ka yimaada Bulshadeeda .

Alle Mahad Leh.