Video:-Golaha Wasiirada Puntland oo yeeshay Shir Abaaraha looga xaajoonayo

Garoowe 31 January 2022: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir-guddoomiyay Shir ku saabsan abaaraha.

Ujeedka shirka ayaa ahaa ka jawaabida xaaladda abaaraha Puntland ka jira, Shirka waxaa kasoo qeyb-galay dhammaan Masuuliyiinta iyo Wakiilada Hay’addaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Puntland waxaana la iskaga xogwareystay xaaladadaha abaaraha ee guud ahaan saaameyey dhamaan Gobollada Puntland.

Halkan ka daawo muuqaalka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa la wadaagay Shirka, in Dowladda Puntland ay ka go’antahay ayna dadaal ku bixinayso ka jawaabista Xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhasha Abaaraha iyo garab istaaga Shacabka. Wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in arrintaasi lagala shaqeeyo Guddiga Abaaraha u xilsaaran iyo Hay’addaha la shaqeynaya.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddiga Abaaraha ee Puntland, Masuuliyiinta Hay’adda Hadma, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale .

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND