Wafti ka socda Sweden oo soo gaaray Garowe

Garowe, January 31, 2022: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xafiiskiisa Garowe ku qaabiley wafti uu hogaaminayey Safiirka Dalka Sweden u qaabilsan Soomaaliya Mr Per Lindgärde.

Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, gaar ahaan abaarta, doorashooyinka Soomaaliya iyo barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntland.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa Safiirka iyo waftigiisa uga mahad celiyey taageerada ay la garab taagan yihiin guud ahaan Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaanna mashaariicda horumarinta, dowlad wanaagga iyo kuwa bini’aadanimo ee ay ka wadaan gudaha Puntland.

Dhammaad

Xafiiskiisa Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Wasaaradda Arimaha Gudaha DPL.