Baaq ku socda Madaxweynaha Dowlada Puntland

Hogaamiyaha markay shacabku og yihiin in uusan Xoolahooda rabin kaliya uu yahay Nin han leh oo Xukun doona Gaajada,waa ugu dulqaataan oo xataa Ciidanku,iyagoon Mushahaar qaadan ayay Xabada iskaga dhigaan.

Balse markii ay ujeedaan,isagoo baraaraystay oo nimcada uu ku dhex jiro darteen Miisaankii fuulay uu cudur ku noqday oo hadana Wiilkiisa kayd usii samaynayo,waxaa dhaca masiibooyin waa weyn.

Nidaamyada dunida 3-aad markaad ufiirsatid,waxayba utaagan yihiin kaabida hogaamiyaha Musuqa iyo Eexda.

Madaxweyne Deniyoow rabi ka baq hoos u eeg Bulshada oo yaysan kugu dhicin xanuunadii ku dhacay hogaamiyayaashii Dadkan iyo Dalkan diirtay.

Talada Maxamuud Shido ee ah…..

“Qofkii Lacag haystaa Qof ah kii aan haysana waa duli ay tahay in uu soo gurguurto ee aan Lacag samayno ha qaadan!!

Laftigiisa kaga tusaale qaado Nolosha uu ku nool yahay iyo Xanuunada hada haya oo ugu danbeeyay Kansarkii Turki looga gubay!!

Xasan Shire Wasiirkaaga Maaliyada Xanuunka indhaha uga dhacay uga tusaale qaado oo Maanta aysan waxba utari karin Xoolaha uu dhacay!!

Madaxweyne ilaahay ka baq oo Dadka wax ureeb!!

Hogaamiyayaashii taariikhda galay Tuugo laguma xaman jirin!!

Ugu yaraan 9-ka Milyan ee Dolar ee ah Canshuurta tooska looga soo qaado Shacabkaas dulman uceli Malyan ka mid ah Bishii oo gacantaada ku maamul,siina kuwa ugu liita ee ay ka midka yihiin….

1.Dadka Waalan.

2.Dadka Suuxdimaha qaba

3.Dadka Lixaadkoodu uusan udhamaystirnayn.

Madaxweyne dib udeg meel xun buu dalku marayaa ,waxna waad ka badali kartaa!!!

Jibril Qoobey.