Faallo:-Baahida dhanka Dekadaha Ee Itoobiya

Itoobiya oo shacabkeedu ka badanyahay 100 milyan oo qof , wuxuuna dalkani u baahanyahay in uu lasoo dego badeeco aad u badan, islamarkaasna dhoofiyo waxsoo saar kale sida bunka oo uu caan ku yahay, sidaas awgeed waxa uu ku qasbanyahay in la helo deked si sahlan loo isticmaali karo.

Muddo ka badan 30 sanadood, Itoobiya waxa ay isticmaalaysay dekada Jabuuti iyo dekeda Sudan, balse markan waxa ay Itoobiya qaadaysaa tallaabo ay kula wareegeyso saami dekadaha inta badan dalalka dariska.

2018-kii waxa uu muran weyn ka dhashay kadib markii dowladda Itoobiya boqolkiiba 19% laga siiyay saamiga dekada Berbera, waxayna tan ka dambeysay kadib markii shirkadda DP World iyo Somaliland wada galeen heshiis ay shirkadda ku maamulayso dekada.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in shirkadda DP World ay saamigeeda kasii iibisay Itoobiya, taasna ay xaq u leedahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inkasta oo aysan si toos ah uga hadlin saamiga Itoobiya, ayay gabi ahaanba ka hor timid heshiiska dekeda Berbera, iyada oo xitaa baarlamaanka uu meelmariyay xeer dalka looga mamnuucayo shirkadda DP World, islamarkaasna lagu laalayo heshiiska.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo 2018 maruu ka hadlayey Dekadaha isticmaalkooda wuxuu yiri: “Biyahaasi aan dabiici ahaan ku helnay haddii aan dekad ahaan u isticmaalno maadaamaa uu u dhow yahay marin muhiim ah hanti badan ayaan ka heleynaa, annaguna wax kala iibsiga ina dhexmaraya lafteeda waxaa isku dhaafsan karnaa hanti aad u badan, Soomaliya, Kenya , Jabuuti iyo Eretiriyaba, waxaan noqoneynaa tira shacab oo gaadhaya kala badh iyo ka badan shacabka Mareykanka, waa shacab aad u badan”.