Faahfaahin Qaraxii Gaariga haleelay Ee duleedka Kismaayo

Ugu yaraan 10 qof oo shacab ah,ayaa ku geeriyootay 3-kalena waa ku dhaawacmeen qarax miino oo argagixisada Al-Shabaab ay ku aaseen duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Gaari Caasi ah oo ay saarnaayeen Dad shacab ah,ayaa Miinadu kula qaraxday meel u dhow deegaanka Cabdi Dhoore ee duleedka Kismaayo.

Qaraxan,ayaa kusoo beegmaya xili Jubbaland ay bilowday howlgalo amniga doorashooyinka lagu sugayo oo ka soconaya nawaaxiga Kismaayo