Video:-Laamiga udhaxeeya Xarfo iyo Burtinle oo dib loo furay

Afar Malyan iyo Sadex Boqol oo kun dolar,waxaa bixiyay Deeq bixiyayaasha.

Hal Malyan iyo Sideed Boqol oo kun dolar,waxaa bixisay Dowlada Puntland.

Isugeynta guud Lacagta Wadada lagu dhisayo,waa Lix Malyan iyo Boqol kun dolar.

Wadadu waxay gaaraysa 69-km Jalam ilaa Xarfo.

Lacagtaas,waxaa ku jirta tii Shirkada wax dhisaysa ay horay usheegatay in ay ka maqnayd.

Nooca Laamiga la dhisay qayb ahaan inta kalana ay socoto shaqadiisu waa kan ugu jaban ee Km-kii uu ku kaco 70-kun oo dolar.

Shirkada dhisaysa,waxay bixisay xaqiijin ah in uu jirayo Laamigaas ugu yaraan 10-sano ugu badnaan 30-sano.

Si kasta oo ay tahay Xarfo ilaa Jalam oo aad uburbursanaa xal baa loo helay.

Halkan ka daawo muuqaalka