Kismaayo:-Dowlada hoose oo amar soo saartay iyo Qalab muhiim ah oo kasoo degay Dekeda

Dowladda hoose ee Magaalada Kismaayo,ayaa markale Ganacsatada ku wargelisay in ay baneeyaan Waddooyinka dhex mara Suuq yare.

Horay ayay Dowlada hoose usoo saartay amar loogu sheegayo Ganacsatadu in ay ku baneeyaan Wadooyinka Suuqaas.

Halkan ka akhriso wareegtada:-

Dhanka kale Waxaa maanta Dekada Kismaayo ku soo xirtay Markab sida Gaadiid nooca xamuulka ah,Cagafyo iyo Agab kale oo loo adeegsan doono dhismayaasha Waddooyin Laami ah oo dhowaan laga bilaabi doono magaalada Kismaayo.

Qalabkan iyo Gaadiidkan oo ay Magaaladu baahi weyn uqabtay,ayay kaga faa’idaysan doontaa Barnaamijyada horumarinta Magaalooyinka.