War cusub oo kasoo kordhay Somalida tahriibeysay Ee Meydkooda la helay

Wararka ka imaanaya dalka Turkiga,ayaa sheegaya in la xaqiijiayay labo qof oo hor leh oo Soomaali ah inay ka mid yihiin dadkii qabowga barafka ugu dhintay xadka u dhexeeya dalkaas iyo Gariiga. Horey waxaa xalay loo aqoonsaday meydka labo qof oo kale oo Soomaali ah.

Waxay tan ka dhigeysaa tirada guud meydadka dadka Soomaalida ah ee la aqoonsaday afar, sida uu BBC Somali u xaqiijiyay Cabdullaahi Xuseen Aadan (Abtidoon) oo ka mid ah madaxda Jaaliyadda Soomaalida ee Turkiga.

Wadarta guud ee meydadka dad la rumeysan yahay inay tahriibayeen ayaa gaareysa… Turkiga ayaa ku eedeeyay saraakiisha xadka ee Giriigga inay masuul ka yihiin geerida dadkaas oo ay xadka kasoo celiyeen. Gariiga ayaa iska diiday eedeymahaas.