Video:-Farmaajo oo khudbad ka jeediyay fadhiga Midowga Afrika

Addis Ababa, Febraayo 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya Meertada 35-aad ee Shir-madexeedka Midowga Afrika ayaa khudbad ka jeediyey fadhi uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ku soo bandhigeen warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha oo ka warbixiyey guulaha la taaban karo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay la dagaallanka argagixisada iyo nabad kusoo dabbaalidda Dalka, ayaa xusay muhiimadda ay qaaraddeenna u leedahay in meel looga soo wada jeesto ururrada argagixisada ah.

“Argagixisada Alshabaab waxa ay cadow ku tahay xasilloonida Qaaradda Afrika. Qorsheyaasha Golaha Nabadda iyo Ammaanku waa in ay noqdaan kuwo midaynaya dhammaan dadaallada iyo cududda aan kaga hortegayno dhibaatada argagixisada.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda Amnigeeda Qaran, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Ciidamada Soomaaliyeed ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta heshiiskii Bishii Koowaad ee sanadkan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika, kaas oo dhiirri-gelinaya dadaalka ay dowladda Soomaaliya ay ku bixisay dib u dhiska Ciidamo tayo iyo tiroba leh.

“Soomaaliya waxa ay sanadihii la soo dhaafay ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka amniga, dib-u-dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda argagixisada Alshabaab, waxa ayna taasi keentay in soomaaliya ay hadda soo gaartay xilligii ay si buuxda u la wareegi lahayd masuuliyadda amnigeeda qaran.”

Halkan ka daawo muuqaalka khudbada