Maraykanka oo Yurub keenaya Diyaaradihiisa Nuykleerka xanbaara

Diyaarada Maraykanka ah ee B-52 oo awood uleh in ay xanbaarto Hubka wax gumaada ee Niyukleerka,ayaa todobaadka danbe kasoo dagaysa Uk.

Xiisadda ka taagan Bariga Yurub ee udhaxeeya Nato iyo Ruushka,ayaa marba marka kasii danbaysa cirka iskusii shareeraysa.

Ruushka,ayaa u arka hadii Ukrain ay ku biirto Gaashaanbuurta Nato khatar weyn oo soo wajahday,isla markaana Gantaalada Niyukleerka xanbaara ee Nato lasoo dhigi karo goobo ku dhow dhulkiisa oo laga soo weerari karo.

Dadaal diblomaasiyadeed oo xal loogu raadinayo arinkan,ayaa socda.