Dowladda Imaaraadka oo ka gurmatay Abaaraha Somaliya

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta magaalada Muqdisho soo gaarsiisay gargaar raashin ah oo loogu talo-galay abaarta ka jirta gobollo ka mid ah Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in gargaarka ay dowladda Imaaraadka “uga jawaabtay” codsigii Ra’iisul Wasaaraha uu u jeediyay dunida ee ah in loo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Diyaarad sidday sahaydan gargaar ee raashinka ah, ayaa waxaa Muqdisho soo gaarsiisay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, waxaana garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku guddoontay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Maxamed Alkacbi oo ka tirsan Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in gargaarkani uu qeyb ka yahay caawimaadda ay dowladda Imaaraadku ka geysaneyso gurmadka walaalaha Soomaaliyeed ee abaarta la ildaran.

Alkacbi ayaa intaas ku daray in shixnaddan gargaarka ah ay xigi doonaan shixnado kale maalmaha soo socda, si loogu gurmado dadka xaaladda bani’aadminimo wajahaya.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa dowladda Imaaraadka uga mahadcelisay gurmadkan oo ah kii labaad muddo labo bilood gudahood ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa toddobaadkii tegay safar ku tegay dalka Imaaraadka Carabta, ayada oo xiriirka labada dowladood uu soo hagaagayo kadib sanado uu xumaa.