Macron oo booqasho ku jooga Ukraine xilli laga cabsi qabo duulaanka Ruushka

Madaxweynaha Faransiiska ayaa maanta booqasho ku jooga dalka Ukraine, waxa uuna noqonayaa hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee reer galbeed ah oo taageero u muujiyo xukuumadda Kyiev.

Kulanka Emmanuel Macron uu la yeelanayo dhiggiisa dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto cabsi ah in Ruushku uu qorsheynayo in uu weeraro dalka deriska la ah ee Ukraine.

Dhanka kale, wasaaradda gaashaan-dhigga Ruushka ayaa xaqiijisay in lix markab oo kuwa ay diyaaradaha xambaara ah ay badda Black Sea ka soo galayaan dhanka badda Mediterranean-ka.

Isniintii shalayto ahayd ayaa madaxweyne Macron waxa uu magaalada Moscow kulan muddo shan saacadood ah socday kula qaatay dhigiisa Ruushka, waxaana shir jaraa’id oo ay wada qabteen uu madaxweyne Putin ku sheegay in hindisa arrimaha amniga ee Yurub ee uu soo bandhigay Macron ay yihiin kuwa macquul ah oo mustaqbalka wax ku ool noqon karaya.