Baraawe oo noqotay Magaaladii 2-aad oo Doorasho ka dhacdo iyo Hoobiyayaal lagu weeraray

Kuraastii ugu horreysay ee Golaha Shacabka Fadaraalka Soomaaliya,ayaa maanta lagu doortay magaalada Baraawe.

Baraawe,ayaa ka mid ah labada Deegaan doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed Somaliya.

Toddobo kursi,ayaa lagu doortay Baraawe oo noqotay magaaladii labaad ee hal maamul Goboleed uu ku qabto doorashada Golaha Shacabka.

Dhanka kale 4-qof oo rayid ah,ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen hoobiyayaal ku soo dhacay gudaha Magaalada xili ay Doorashadu ka socotay,halka 8-kalena ay ku dhaawacmeen.