Maku jiraa Madaxda la xayiray Hogaamiyaha Puntland?

Macno ayay samayn lahayd hadii ay dhab noqoto Xanta soo baxaysa ee sheegaysa in hogaamiyaha Puntland Siciid Deni uu ku jiro Madaxda xilalka haya ee lagu soo rogay xayiraadaha socdaalka iyaga iyo Qoysaskooda.

Xaqiiqdii wax mudan in lagula xisaabtamo,ayuu Deni ku kacay,balse aysan jirin Hay’ado Dowliya oo shaqadaas qaban kara.

Dadka,waxaa ubilaabatay 3-bilood oo Diraac adag ah,mana hayaan ilaa iyo hada gurmad Dowladeed haba yaraatee.

Sidoo kale shaqo la’aan baahsan iyo Dhaqaale yari xoog badan,ayaa Dadkii soo food saartay.

Hal Mashruuc oo gudaha Dalka ka socdaa majiro.

Lacagtii wareegi jirtay markii laga reebo adeega Dowlada kharashaadka ku baxa oo gaaraysay ilaa Laba Milyan toos ayay waxay ugu dhacdaa Akoon xiran.

Madaxweynihii Todobaadkii Labaad,ayuu ku nasanayaa Guri uu ku leeyahay Nayrobi oo Xaas udegan yahay.

Lama kulmo Jaaliyad,haldoor iyo xataa Dowladiisa,waxii ka jooga Nayrobi.

Doorashadii waa hakatay sababo lagu sheegay dhaqaale isaga laga sugayo.

Intii qabsoontay waxay noqotay mid yax-yax iyo foolxumo ku dhacday.

Dalka xaaladiisu meel xun ayay maraysaa,waxaana taladu gacanta ugashay kuwii ugu hooseeyay abid.

Jibril Qoobey.