Tirada Guud Ee Dadka Codaynaya Ee Kenya oo la shaaciyay

Guddiga Doorashooyinka Kenya ee loo yaqaan IEBC,ayaa soo saaray tirada Guud ee Dadka ka codaynaya Degmo walba (County).

Kenya waxay ka kooban tahay 47 County,waxaana la baab’iyay 8-dii Gobol ee hore.

Soomaalida,ayaa leh Seddex County oo aan lagu tarixin,kuwaasoo kala ah..

1.Gaarisa,

2 Mandheera

3.Wajeer

Sannadkan,waxaa ka muuqda kor u kacay dadka codayn kara.

Tirada Soomaalida Gobolka Waqooyi Barri Kenya ee codayn karta,ayaa ah…

1.Mandheera 211,098 qof

2.Gaarisa 207,435 qof

3.Wajeer 196,466 qof

Wadarta Guud waa 614,999 Qof-Somali ah.

Hoos waxaa ku qoran shaxda Guud ee County-da Cadadka ka codayn kara.

Waxaa ugu badan Nairobi County oo ay ka codayn karto in ka badan 2.5 million, waxaana ugu cod yar Lamu County oo ka codayn karto 79,157 kaliya.

Countyadda Marsabit &Tana River iyana waxaa ka codayn karta 164864, & 137,661.

Marka la eego Qoomiyadaha waxaa ugu cod badan KuKuuyada oo in ka badan 6-Milyan ay codayn karto, waxaana ku xiga Luhya, Kalenjiin, Jalwo iyo Makaanbo.