Waftiga SL Ee Taiwan oo hoos loo dhigay soo dhaweyntooda

Looguma yeerin waftiga Somaliland ee tagay Taiwan magaca Jamhuuriyad.

Sidoo kalena looma dhigin ama lagama soo dhaweyn Calanka Somaliland kamana muuqan barsada lagu qaabilay.

Lama siin wax baratakool Dowladeed ah,waxa kaliya ee loo muujiyay ,waa in ay yihiin wafti yimid Dalkaas oo la mid ah Hay’ad ka shaqaysa Dimuqraadiyada iyo Maamul wanaaga.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan la kulmo Wasiirka Dr.Essa Kayd waftiga ka socda Somaliland, saaxiibkayaga dimuqraadiga ah ee Bariga Afrika, kuna soo dhaweeya Taiwan markii ugu horeysay”Ayaa lagu yiri qoraal kooban oo Twitter-ka ay soo dhigtay Madaxweynaha Taiwan.

Somaliland waxay dadaal xoog badan gelisay sidii ay xiriir ula samaysan lahayd Taiwan.

Jibril Qoobey.