MADAXWEYNAHA JUBALAND OO SHIR GUDOOMIYEY KULANKA GOLAHA WASIIRADA.

Kismaayo, 10, Feb, 2022- Madaxweynaha Dowlada Jubaland mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirada.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland ayaa golaha wasiirada oga warbixiyey xaalada guud ee amniga, arimaha abaaraha oo guud ahaan si siman u sameeysay dhamaan dadka ree Jubaland iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, iyadoo Dowlada Jubaland ay wado gurmad baxaad leh oo lagaga gaarayo dadka ay dhibaatadu gaartay.

Wasaaradda Caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Jubaland, waxa ay warbixin guud ka bixisay xaaladda isbitaalada Kismaayo, Dhoobley iyo Ceelwaaq, shirweynaha caafimadka oo sanadkii 5-aad oo xiriir ah wasaaraddu qabatay ayuu wasiirka oga warbixiyey golaha wasiiradda kaas oo qiimayn lagu samaynayay shaqada Wasaarada iyo adeega ay u hayso bulshada.

Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubaland ayaa golaha warbixin ka siisay abuurista wakaaladaha biyaha iyo korontada, waxaa uuna golaha wasiiradda usoo jeediyey in la dhiso wakaaladaas oo muhiimada gaar ah u leh helida biyo nadiif ah iyo koronto.

Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Jubaland ayaa ka war bixisay dhismaha Dowladdaha hoose ee Ceelwaaq iyo mashaariicda Degmada Afmadow.

Wasaaradda Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqaalaha Jubaland ayaa golaha warbixin ka siisay Isbadal lagu sameynaayo khidmadaha iyo canshuuraha laga qaado shirkadaha waawayn ee ka hawl gala jubaland iyo soo jeedin Ku aadan isbadal dhinaca canshuuraha furdooyinka iyo hirgalinta nidaaam ka cusub ee loo yaqaano SOMCAS.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland waxa ay soo gudbisay labo sharci oo kale ah.

B- Sharciga Shaqaalaha aan Dowladiga aheyn.

T- Sharciga Shaqaalaha ajaaniibta ah ama shisheeye.

Sharciyadan ayey goluhu soo eegi doonan iyadoo todobaadka xiga shirka golaha wasiiradda lagu ansixin doono.

                      DHAMMAAAD.