Maxamuud Sayid oo dib ugu soo laabtay Kismaayo

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, oo in muddo safar shaqo ugu maqnaa Dalka Gudihiisa iyo dalalka Dariska ah ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.

Masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowladda iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweyne Kuxigeenka kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Kismaayo.