Faahfaahin khasaaraha Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

6-ka mid ah Ergedii dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka ee Golaha Shacabka,ayaa lagu dilay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Sarkaal katirsan Laamaha amaanka Somaliya oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP,ayaa xaqiijiyay dhimashada ergadu ay tahay 6-Qof halka 12-kale oo shacab u badnaa ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa,ayaa ka dhacay is goyska Ceelgaabta ee Degmada Xamar-Jajab halkaas oo ah is goys si weyn loo ilaaliyo kana mid ah iridaha laga galo Madaxtooyada Villa Somaliya.

Ergada la qarxiyay,ayaa markaas kasoo laabatay codaynta Xildhibaanada.

Al-Shabaab,ayaa sheegaray weerarka,waxaana war kasoo baxay lagu yiri.

“Is-miidaaye ka tirsan xarakada,ayaa fuliyay qaraxaas, bartilmaamedkiisuna,waxuu ahaa Afar Bas oo siday Ergo kasoo baxday xarunta Jeneraal Kaahiye oo ay maanta ka dhaceysay doorashada xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi”

Alshabaab waxay si cad usheegeen in ay bilaabeen beegsiga ergada dooranaysa Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraalka.