Muxuu udiiday baaritaanka Covid Madaxweyne Macron-ka Faransiiska?

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa diiday baaritaanka caafimaad ee Covid-ka ka hor kulankii uu la yeelanayay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sida ay Kremlin-ka Ruushka looga rrimiya ay xaqiijisay.

Baadhitaankan ay rabeen kooxda hab-maamuus caafimaadka ayaa ahaa mid aan la aqbali karin oo aan ku habboonayn jadwalka hoggaamiyaha Faransiiska.

Arrintan ayaa daba socota warbixino sheegaysay in Mr Macron uu diiday baadhitaanka PCR sababo la xiriira cabsi laga qabo in Ruushka ay kaydsadaan DNA-diisa.Hogaamiyayaashan ayaa intaa ka dib yeeshay kulan la hirgeliyey kala fogaanshihii lagama maarmaanka ahaa ee feyraska covid, iyaga oo haba yaraatee aan isu soo dhawaan.

Intii kulankaasi socday oo muddo shan saac ahayd, Isma aysan gacan qaadin, waxaana ay wada fadhiisteen miis afar mitir ah oo u dhexeeyay, iyadoo dadka indha indheeya xaaladaha diblomaasiyadeed ay ka shakisan yihiin in ay suuragal tahay in Mr Putin uu u isticmaalayay arrintan farriin diblomaasiyadeed.

Laakiin ilo diblomaasiyadeed oo Faransiis ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Mr Macron loo sheegay in uu kala doorto laba midkood, oggolaanshaha baarista COVID ee Ruushka si uu ugu dhawaado Putin ama uu u hoggaansamo qawaaniinta adag ee kala fogaanta bulshada.

“Waxaan si fiican udroobdinay fahannayna waxa ay ka dhigan tahay in aan la is gacan qaadin iyo miiskaas dheer. Laakiin ma aannan aqbali karin in ay gacmahooda ku qabtaan DNA-da madaxweynaha,” mid ka mid ah ilo-wareedyada ayaa u sheegay Reuters.Ilahan ma aysan faah faahin sida ay sirdoonka Ruushka uga faa’ideysan karaan DNA-da Mr Macron.

Aqalka Kremlin-ka ee ayaa xaqiijiyay in Mr Macron laga fogeeyay hogaamiyaha Ruushka, sababtoo ah wuxuu diiday inuu galo baadhitaan ay samaynayeen waaxda caafimaaeed ee Ruushka.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Ruushka uu fahmay mowqifka Faransiiska, isla markaana aysan saameyn ku yeelan wadahadallada.

Mr Macron ayaa sameeyay baadhitaanka PCR ka hor inta uusan ka tagin dalkiisa Faransiiska dhaqtarkiisuna waxa uu ku sameeyey baadhitaan kale oo degdeg ah markii ay ku sugnaayeen Moscow, sida ilo diblomaasiyadeed oo Faransiis ah ay u sheegeen Reuters.

“Ruushka waxay noo sheegeen in Putin uu u baahan yahay in lagu hayo deegaan caafimaad oo adag,” ayaa sida oo kale ay u sheegeen Reuters.Saddex maalmood ka dib markii uu la kulmay Mr Macron, Putin wuxuu martigeliyay madaxweynaha Kazakhstan Kassym-Jomart Tokayev. Balse kulankooda ayaa ka duwanaa kii uu la lahaa Macron, markan labadooda ayaa is gacan qaaday oo fadhiistay miis yar oo ah kan kafeega la wada saarto.

Intii uu socday kulankooda Mr Macron iyo Mr Putin waxa ay wada hadlayeen muddo shan saacadood ah iyaga oo falanqaynayey xiisadda ka taagan Ukraine.

Waddammada reer galbeedka ah ayaa sheegay in Ruushku uu duullaan ku qaadi karo Ukraine balse Ruushka ayaa beeniyay in uu qorsheynayo in uu sameeyo sidaas, inkastoo uu ciidamo gaadhaya 100,000 oo askari ay ka joogaan xadka Ukraine.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku boorisay dadka Mareykanka ah ee ku sugan Ukraine inay si degdeg ah uga soo baxaan.

Xigasho:-BBC.