Muxuu udiiday hor imaadka Maxkamada Cabdi Iley?

Madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inuusan mar dambe hortageyn maxkamadda kiiskiisa gacanta ku haysa.

Madaxweyne Cabdi iyo Soomaalida kale ee la xiran oo maxkamada la horkeenay ayaa sheegay iney mardambe maxkamadda ay hor imaneyn maadaama aysan caddaalad helin.

Cabdi wuxuu maxkamadda ka sheegay in dadkii ay isku kiiska ahaayeen ama kiisaska loo haysto ay ka sii cusleyd la sii daayay balse maxabiista Soomaalida uu isagu ka mid yahay oo keli ah xabsiga lagu sii hayo, ayna jirin sabab Soomaalida oo keli ah xabsiga ay ugu sii jirayaan.

Cabasho ay maxkamadda u gudbiyeen Cabdi iyo Maxaabiista la xiran waxay sheegeen in 17 maxbuus oo qowmiyadaha kale ee dalka Itoobiya ka soo jeedo la sii daayey.

Talaadadii ayay ahayd in maxaabiistaasi ay hor yimaaddaan maxkamadda dacwaddooda gacanta ku haysay balse dhammaantood wey diideen iney maxkamadda hortagaan.

Xubnhaa dambiyada waaweyn loo haystay ee ay dowladda dhexe ee Itoobiya sii deysay uu Cabdi soo xigtay waxaa ka mid ah Sibhat Neggaa oo ahaa aasaasaha isla-markaana maskaxda ay fallaagada TPLF ku shaqeyso iyo xubno kale oo qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega ka soo kala jeedo.

Muddada uu Cabdi Maxamuud Cumar uu ku jiray gacanta dowladda dhexe waxaa marar badan la soo taagay maxkamadda sare inkasta oo ilaa iyo hadda wax go’aan ah oo ay maxkamadda kiiska Cabdi ka gaartay aysan jirin.