CONGRESS-KA MARAYKANKA OO MEEL MARIYEY QARAAR TIGREEGA TAAGEERO U AH

Maraykan geeska africa , Shaqo culus ayuu Ka wadaa , CONGRESS-KA MARAYKANKA OO MEEL MARIYEY QARAAR niyad ku keeni doona , rag aan Ogahay

Congress-ka Mareykanka ayaa meel mariyay Qaraar ku baaqaya in baaritaan lagu sameeyo ku Lug lahaanshaha quwadaha shisheeye ee Dagaalka 15ka bilood ka socda Tigray.

Qaraarka uu Kongaresku meelmariyey taladadi Laguma qeexin goorta ay codayntu dhacayso, Balse hadii loo codeeyo waxa saxeexi doona Madaxwayne JoeBiden.

Qaraarkan ayaa ugu baaqaya madaxweynaha Maraykanka Joe Biden inuu kusoo rogo Cunaqabatayn kala duwan oo ay ka mid yihiin Cunaqabatayn, fiisaha laga mamnuuco iyo Cunaqabataynta hubka ah.

Qaraarkan ayaa sidoo kale ku baaqaya in Hay’adaha maaliyada ee caalamiga ah aysan Wax deyn ama kaalmo farsamo ah siinin Itoobiya & Ereteriya, wixii ka baxsan kaalmaha Bini’aadantinimo.

Qaraarkan ayaa ugu baaqaya golaha amaanka Ee Qaramada Midoobay, NATO, Midowga Yurub &Midowga Afrika inay cunaqabatyn kusoo rogn.

Marki qaraarka la horgeyay Congress-ka, kadib
Gudiga arimaha bulshada ee Itoobiya ee Maraykanka oo ka soo horjeeda cadaadiska Mareykanka ee Itoobiya, ayaa ku baaqay Bannaanbax.

Inkastoo dawlada Itoobiya aysan weli ka hadlin Go’aankaas, haddana wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebre-Meskel ayaa sheegay in Go’aankan uu yahay mid aan waafaqsanayn Xaqiiqada dhabta ah ee jirta.

WQ.Cali Sheekh Ahmednur.
.