Deni iyo Khayre oo dhistay isbahaysi Siyaasadeed

Maxaa kasoo baxay kulamadii Deni iyo Khayre?.

Sadex kulan oo is xigxiga ayay yeesheen Madaxweyne Deni iyo RW-hore Khayre.

Kulamadan,waxaa soo abaabushay Dowlada Kenya,gaar ahaan Qaybta sirdoonka Madaxtooyada ee awooda badan.

Hadaba kulamadaas maxaa kasoo baxay?

1.In ay sameeyaan Xulufo Siyaasadeed oo garaba garabka kale ka dhigto qorshihiisa 2-aad ee (Plan B).

2 Waxay wada dhisteen Guddi wada shaqeeya oo si hoose ula socda hawlaha olalaha talo bixina ka keena jawiga siyaasadeed ee socda si maalinle ah.

3.Labada garab kii Codbata in layskugu geeyo Codadka guud ee la hayo,halka garabka kalena ay qaataan jagada Ra’isulwasaaraha.

Khayre Xildhibaanada ugu badan ee uu ku xisaabtamayo,waxay kasoo baxeen Galmudug iyo reer Waqooyiga,waxaana lagu dhiiri geliyay garabkiisa in ay la yimaadaan 40-Xildhibaan oo ay Gobolada kale dhexgalaan.

Deni dhankiisa Xildhibaabada ugu badan,waxay uga soo baxeen PL iyo JL,waxaana lagu dhiiri geliyay in uu adkeeyo ilaalinta Xubnahaas iyo raadinta kuwo cusub.

Jibril Qoobey.