Dufcadii 3-aad oo ka qalinjabisay Jaamacada Admas Ee Garowe

Garoowe: 12, February, 2022.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjebinayeen dufcaddii 3-aad ee ka baxda Jaamacadda Admas faraceeda Garoowe.

Munaasabadda Qalin bedelashada Ardayda Jaamacadda Admas waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Waalidiinta Ardayda, Aqoon yahano Soomaaliyeed iyo Qunsulka Dalka Itoobiya u qaabilsan Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Ardayda qalin bedelatay, Maamulka, Macalimiinta iyo waalidiinta ardayda ku bogaadiyey dedaalka wadajirka ah ee ay heerkan kusoo gaareen, isagoona si gaar ah ardayda kula dardaarmay in cilmiga ay barteen si hagar la’aan ah ugu adeegaan Diintooda, bulshadooda, iyo dowladdoodaba, islamarkaana waxa uu Alle “SWC” uga baryey inuu ku anfaco cilmiga ay barteen.