Ilhaan Cumar oo Biden wax ka waydiisay cunaqabataynta la saarayo Somaliya

Ilhaan ayaa ka dalbatay Madaxweyne Joe Biden inuu dib u eegis ku sameeyo cunaqabateynta la saaray Soomaaliya 2010 iyo 2012-kii.

“Tan iyo markii la saaray cunaqabateyntan, xaaladda Soomaaliya ayaa si weyn isu beddashay,” ayey ku tiri qoraalkeeda Ilhaan Cumar.

Sidoo kale waxay maamul Biden qoraalkan ku weydiisay 5 su’aalood oo la xiriira sida siyaasadda cunaqabateynta ay u ciyaareyso istiraatiijiyadda ballaaran ee Somaliya.

Halkan ka akhriso:-