Taliban oo si weyn uga xumaaday Go’aanka Biden Ee Lacagtii Xayirneyd

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Jimcihii saxiixay amar fulin ah oo oggolaanaya in ku dhow kala bar $ 7 bilyan oo ah hantida laga xayiray Bangiga Dhexe ee Afghanistan in loo qoondeeyo dhibanayaasha weerarradii argagixiso ee Sebtember 11, 2001.

Aqalka Cad ayaa sheegay in hantida soo hartay oo dhan $ 3.5 bilyan, loogu talo galay in lagu shubo sanduuqa gargaarka bani’aadanimo ee Afghanistan.

Taliban ayaa isla markiiba cambaareeysay tallaabadaasi.

Mohammad Naciim, oo ah afhayeenka xafiiska siyaasadda Taliban ee saldhiggiisu yahay magaalada Doha ee caasimadda Qatar, ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray in “xatooyada lacagta dadka Afghanistan ee Maraykanku xayiray ay tahay halkii ugu hooseysay ee uu ku dhaco damiirka iyo bani’aadanimada dal. Guuldarada iyo guushu waa qayb ka mid ah taariikhda bini’aadamka, laakiin waxa jabka iyo fadeexadda ugu weyn ku ah dal ama dadkiisu waa marka ciidan ahaan iyo akhlaaq ahaanba ay dhibtoodaan,” ayuu yiri.

Dhanka kale, Munir Akram, ergeyga Pakistan ee Qaramada Midoobay, ayaa yiri, “lacagtan ayaa si aad ah loogu baahan yahay si dib loogu soo nooleeyo loona joogteeyo dhaqaalaha Afghanistan, islamarkaana loogu badbaadiyo malaayiin qof oo ku jira xilli qabow daran.” Pakistan ayaa deris la ah Afghanistan.

Lacagta toddobada bilyan ah oo ahayd lacag ka timid Bankiga Dhexe ee Afghanistan oo taallay xafiiska New York ee bangiga dhexe ee Mareykanka (the Federal Reserve Bank) ayaa la xayiray tan iyo markii ay burburtay dowladdii madaxweyne Ashraf Ghani islamarkaana ay Taliban talada la wareegtay bishii August. Dalkaasi ayaa wajahay burbur dhaqaale iyo cunto yari tan iyo waqtigaasi.

Markii ay dheceen weerarradii 2001-dii, Taliban oo dalkaasi ka talineysay waqtigaasi ayaa diiday in ay aqbasho dalabkii Mareykanka ee ahaa in ay u soo gacan geliso Osama bin Laden oo ahaa maskaxdii ka danbeysay weerarradii 9/11, iyo in ay burburiso ururkiisii argagixisada ee al-Qaida.

Muddo sanado ah, qoysaska dhibanayaashii 9/11 ayaa waday dadaalo ay ku raadinayeen magdhow lacageed iyagoo u maraya maxkamadaha Mareykanka. Waxa ay dib usoo nooleeyeen dadaalladooda ay lacagtaasi kaga doonayaan Taliban, ka dib markii ay kooxdu sanadkii hore la wareegay talada dalkaasi.