Wasiir Xuseyn Ciid oo ka shaqaynaya sii daynta Alshabaabka Galkacyo lagu xukumay

Booliska iyo Sirdoonka Puntland horay ayay uxaqiijiyeen Da’da Dhalinyaradan ka tirsan Alshabaab ee dilalka ka fulin jiray Gaalkacyo.

Sidoo kale Garsoorka Puntland,ayaa xaqiijiyay Da’da Dhalinayaradan ka hor intaan la xukumin.

5-sano ka hor ayay Dad ku laynayeen Gaalkacyo ee goormay Caruur ahaayeen??

Warbixinta ay soo saartay Save the Children,waa mid la abaabulay oo laga danbeeyo.

Wasiir Xuseyn Ciid,ayaa abaabulay oo la kaashaday Madaxa Hay’adaas ee Somaliya.

Wasiir Ciid,waxaa uga jira Dhalinyaradan la xukumay ee Alshabaab ka tirsanayd Wiil Walaalkii dhalay oo la yiraahdo Najiib Faysal Ciid.

Wasiir Ciid shalay Wiilka uu Adeerka uyahay markuu Dadka laynayay kama hadlin ,balse Maanta markii Dadka laga qabtay in uu abaabulo qorshe lagu sii daynayo waa mid mudan in lagula xisaabtamo!!

Jibril Qoobey.