Ciidan daacad u ah Fahad Yaasiin oo hor istaagay Muudey

Xaalad kacsanaan ah,ayaa ka taagan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ka dib markii Gudoomiye Kuxigeenka Baaralamaanka Fadaraalka Somaliya Ibrahim Shiikh Muudey iyo Ciidamo uu wato ay hor istaageen ilaalada Garoonka kuwaasi oo ka amar qaata Talyihii hore ee NISA Fahad Yasiin Mudeey,ayaa maanta Safar u ahaa Magaalada Baraawe.

Wararka,ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Somaliya Cabdilaahi Maxamed Nuur uu amray in aan la hor istaagi karin Safarka Gudoomiye Muudeey balse wararka,ayaa sheegay in Ciidamo ka amar qaata Fahad Yaasin ay hor imaadeen Amarkaasi.

Xalaada kacsan,ayaa iminka ka taagan garoonka Aadan Cade oo laga cabsi qabo in uu dagaal ka dhex dhaco labada dhinac Fahad iyo Muudeey.